Hassan Kargbo överklagade med hjälp av juristen Karin Henrikz. Foto: Anna Bubenko/Sveriges Radio.
Hassan Kargbo överklagade med hjälp av juristen Karin Henrikz. Foto: Anna Bubenko/Sveriges Radio.

Xeer ilaaliyaal ka biyo diiday in furaan dacwad la xidhiidha cunsuriyad

Magaalo Malmö, nin ayaa booliska u gudbiyay dacwad la xidhiidha cay cunsurinimo, ka dib markii isaga oo shaqada ku sugan loogu yeedhay kelmada neegar, oo ah mid aan haboonayn.

Balse xeer ilaaliyaha ayaan wax baadhitaan ah oo la xidhiidha dacwadan aan furin, middaas oo xeer ilaaliyuhu sabab uga dhigay in aan kelmada neegar aanay ahayn mid lagu yasi karo oo lagu dhibaatayn karo dareenka qof kale.

Umuurta ah, in aan dacwad la furin ayaa hadda dacwad laga qaatay, balse laba xeer ilaaliye oo dambe ayaa iyaguna qaba in aan waxbaadhitaan ah oo umuurtan la xidhiidha aan la furi karin, maaddama oo middani la xidhiidho hadal meel qudha laga yidhi.

Isha: Malmö P4

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".