Kvinnomisshandel. Foto: Caludio Bresciani
1 av 2

Goobaha gabbaadka u ah dadka ehaladoodu ku daba jiraan oo kordhay

Goobaha qarsoon ee gabbaadka u ah dadka ay ku daba jiraan ehaladoodu ee looga cabsi qabo in la waxyeeleeyo ayaa kordhay tobbankii sanno ee u dambeeyay. Sidaa waxaa shaaca ka qaaday warbixin uu soo saareen maamulada gobolada oo hadda loo gudbinayo dawlada

Tirada goobahan gabbaadka ah ayaa si xad dhaaf ah u korodhay, sannadii 2003 ayaa goobahani ahaayeen 10 goobood, hadda see ilaa 400 oo goobood.

Dawlada ayaa hadda eegi doonta warbixintan, go’aana ka soo saari karta waxyaabaha loo baahan yahay in la sameeyo. Ururka magaciisa la yidhaahdo ”Ha ilaabin weligaa Pela iyo Fadime” oo mid ka sheeqaya rabshada la xidhiidha caa’iladaha ayaa rajaynaya in aan rabshadahan la dhayalsan oo fiiro gaar ah loo yeesho. 

Isha:P3 Nyheter

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".