Ekologisk mat. Foto: Claudio Bresciani/TT
Cuntada dabiiciga ahi waxa uu keeni karaa cunto yaraan Foto: Claudio Bresciani/TT

Waxsoosaarka dabiiciga ahi waxa uu keeni karaa cunto yaraan

Afar cilmi-baadhe oo ka tirsan jaamacadda beeraha Iswiidhan ayaa sheegay in waxsoosaarka beeraha ee dabiiciga ahi  ahi aanay ahayn kuwo u wanaagsan deegaanka iyo baahida cuntada ee  dadka. Afartan cilmi-baadhe ayaa soo saaray buug cusub oo arrintaasi ka hadlaya oo magaciisa la yidhaa,Den ekologiska drömmen" Waxaanay sheegeen in mustaqbalka ay cuntada dabiiciga ahi horseedi karto cunto yaraan iyo  in qiimaheedu  uu  qaali noqdo.

 Dad badan ayaa maanta aaminsan in cuntada dabiiciga ahi u wanaagsan tahay deegaanka, taasina waxa ay keentay in 30% ay iibsashada cuntada dabiiciga ahi kor u kacday qaybtii hore ee sannadkan 2014. Sidoo kale dawladda ayaa dhaqaale badan galisay sidii loo xoojin lahaa soo saaridda cuntada dabiiciga ah.

SvD

Muse Isse

Musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".