Tre äldre kvinnor bakifrån. Foto: Hasse Holmberg / TT
Waayeelka oo nolol fiican ka hela magaalooyinka waaweyn

Waayeelka oo nolol fiican ka hela magaalooyinka waaweyn

Sida ay qortay jarriiradda Dagens Nyheter, daraasad cusub oo loogu magacdaray Snac, lana bilaabay sannadkii 2001 ayaa lagu waraystay 8000 qof oo da'doodu ka weyn tahay 60 jir. Waxaanay daraasaddaasi muujinaysaa dadka waayeelka ah ee magaalooyinka waaweyn ku nooli ka nolol fiican yihiin dadka waayeelka ah ee ku nool magaalooyinka yar yar.

Daraasaddan ayaa sheegaysa in dadka waayeelka ah ee magaalooyinka waaweyn ku nooli inta badan yihiin kuwo aan cayilin, oo ay kaligood is dabari karaan. Sidoo kalena ay hurdadoodu iyo sida ay u fikirayaan fiican yihiin.

Mashruucan loo yaqaano Snac ayaa ah mid la rabo in bulshada lagu wacyigeliyo sidii ay ugu diyaargaroobi lahayd daryeelka waayeelka oo badanaya sannadka 2020.

Xigasho: DN

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".