Manifestation på Sergels torg i Stockholm under 2011 för att Sverige ska rösta in Palestina till att bli medlemsstat 194 i FN. Foto: Fredrik Persson / SCANPIX / TT.
Maalinta qaranimada Falastiin. Foto: Fredrik Persson / SCANPIX / TT.

Boqorka Sweden oo hambalyo u diray Falastiin

Boqorka Sweden  oo Falastiin ugu hambalyeeyay maalinta qaranimadooda. Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Sweden ayaa sheegtay in ay wakhti qaadan doonto in ay safaarad ka furtaan Falastiin.

Sida ay qortay jarriiradda Times of Israel, waa markii ugu horaysay ee boqor reer Yurub ahi si rasmi ah tallaabadan oo kale u qaado,tan iyo markii uu Yaasir Carafaad ku dhawaaqay madaxbannaanidda 1988.

Warqaddan ayaa uu boqorku u diray madaxweynaha Maxamuud Cabbaas. Warqaddan ayaa lugu sheegay in boqorka Sweden uu waddan kasta u diro warqad hambalyo ah marka la gaadho dabbaaldegga maalinta qaranka waddan kasta, sidaasi darteedna ay hadda waajib tahay in uu boqorku warqad tahniyad ah u diro waddanka Falastiin maaddaama oo ay Sweden aqoonsatay.

Wasiirka arrimaha dibadda Margot Wallström oo joogta magaalada Brussels oo ka qaybgalaysa shirka wasiirada arrimaha dibadda Yurub ayaa sheegtay in ay wakhti qaadan doonto in ay safaarad ka furtaan Falastiin.

Xigasho: TT

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".