Foto Jonas Ekströmer / TT
Sweden oo baraajo la gashay Montenegro Foto Jonas Ekströmer / TT

Sweden oo baraajo la gashay Montenegro

Xulka kubbadda cagta Sweden oo baraajo hal iyo hal ah la galay kooxda kubbadda cagta Montenegro. Ciyaartan oo ahayd isreebreebka koobka qaaradda Yurub, ayaa qaybtii hore ee ciyaara ayaa Sweden waxa gool u dhaliyay ciyaartoyda caanka ah ee Zlatan Ibrahimovic.

 Laakiinse qaybtii danbe ee ciyaarta ayay kooxda Montenegro hal gool keentay kadib markii ay heleen rikoodhe. Qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Sweden dhalisay hal gool oo kale, laakiinse  waxa ka diiday garsoorihii ciyaarta. Sweden waxa ay kaalinta labaad kaga jirtaa guruubkeeda. Waxaanay badisay hal ciyaar halka ay saddex ciyaaroodna baraajo gashay. Waddamada Usteeriya iyo Ruusha ayaa kaalinta saddexaad ku jira.

Xigasho: TT

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".