Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Carl Bildt oo iimaylkiisii la jabsaday

Carl Bildt
Carl Bildt oo iimaylkiisii la jabsadayFoto: TT

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa baadhaysa cidda jabsatay iimaylka gaarka ah ee wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Carl Bildt, kadib markii ay dhawr qof farriin ka heleen uu ku dalbanayo in lacag loo diro. Farriintan laga soo diray iimaylka wasiirka ee uu lacagta ku dalbanayay baa xitaa gaadhay saxafiyiin dhawr ah.

 Waxaanu qofka farriinta soo diray sheegayay in uu haysto baasaboor ku meelgaadh ah oo uu u baahan yahay lacag dhan 1350 pund oo lacagta Ingiriiska ah, una dhiganta 15 000 kr, taasi oo u rabo in uu tigidh diyaaradeed ku goosto.

Carl Bildt ayaa sheegay in uu dhacdadan u gudbin doono booliiska si ay baadhitaan ugu sameeyaan.

Xigasho: Ekot

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".