Pekar ut bistånd till Asien, stödet till Världsbanken och FN:s vaccinprogram som exempel. Foto: Fredrik Sandberg/ TT.
Sweden oo sheegtay in ay dhimi doonto deeqaha ay caalamka siiso. Foto: Fredrik Sandberg/ TT.

Sweden oo sheegtay in ay dhimi doonto deeqaha ay caalamka siiso

Wasiiradda deeqaha Isabella Lövin ayaa sheegtay in ay hoos u dhigi doonaan lacagaha deeqaha ah ee ay caalamka siiyaan, taas beddelkeedana ay lacag badan galin doonaan hawlaha qaxoontida.

Wasiiradda ayaa dhanka kale sheegtay in ay lacag badan u qorshaynayaan ka hortaga danbiyada lagula kaco dumarka, xuquuqda aadamaha iyo wixii la mid ah. Waxaanay sheegtay in sannadkii hore Sweden ay 5 balyan oo ka mid ahayd 40 balyan ee deeqaha ah ku bixisay arrimaha qaxoontida iyo xuduudaha ay Sweden la wadaagto waddamada kale.

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".