Forsmarks kärnkraftverk. Foto: Fredrik Sandberg/TT.
Sweden oo sugaysa in ay kordhiso magdhawga nukliyeerka Foto: Fredrik Sandberg/TT.

Sweden oo sugaysa in ay kordhiso magdhawga nukliyeerka

Wasiirka deegaanka Åsa Romson ayaa sheegtay in ay Sweden sugayso waddamada kale ee midowga Yurub, inta ayna iyadu kordhin magdhawga laga qaadayo shirkada nukliyeeka sameeya haddiiba uu shil dhaco.

Wasiirraddu waxa ay sheegtay in baarlamaanku mar hore uu xaddigga lacagtaas uu ka soo kiciyay saddex bilyan ilaa 12 bilyan oo karoon, laakiinse aan wali ilaa hadda aan la gudo galin. Laba wasiir oo deegaanka ah oo ka tirsanaa xisbiga dhexe ayaa hore u soo bandhigay in go'aankan la fuliyo ka hor inta aanay qaadan waddamada midowga Yurub, laakiinse shan sanno kadib markii baarlamaanku go'aansaday maanta wasiirka deegaanka Åsa Romson waxa ay sugaysaa inta ay dalalka kale ku dhaqaaqayaan. Labada xisbi ee Miljöpartiet iyo Vänsterpartiet ayaa aad u taageersan in hawshan ay dawladdu dardargaliso.  Kulan arrintan ku saabsana waxa ay waddamada midowga Yurub ka yeelan doonaan inta aan la gaadhin dhammaadka bisha diisambar.

Xigasho: Ekot

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".