Arddey dhigata Rödebyskolan oo xilliga biriirifta qaadanaya  Foto: Carina Melin/SR
Arddey dhigata Rödebyskolan oo xilliga biriirifta qaadanaya. Foto: Carina Melin/SR

Xeer wax laga badeley balse wax micno ah soo kordhin"

"xeer aan wax tar laheyn"
4:54 min

Weli waxaa halkeeda ka sii socda caruurta Sweden ku dhalatay kuna kortay ee loo masaafuriyo waddamada waalidiintooda ka soo jeedaan, inkastoo xagaagii hore xeerka ajaaniibta wax laga badeley si loo yareeyo caruurta dalka laga masaafuriyo.

Xagaagi na dhaafay ayey gaareen xukumaddii hroe ee Alliansen iyo xisbiga Miljöpartiet in wax laga badelo xeerka ajaaniibta, gaar sida uu u qoran yahay qodobka oranaya "synnerligen ömmande"(La ildaran daruuf) halka laga dhigay "särskilt ömmande omständigheter" (Ku ugan xaalad daruufeed). laakiin sidaas oo ay tahay wax ka bedelidda xeerka ayaan wax saameyn ah soo kordhin, sida ay sheegeen qareenada iyo wakiilada kiisaska magangeliyo doonka gacanta ku haya. Nadia Hatem ayaa ka mid ah qareenadas.

-  Waa arrin argagax iyo naxdin leh, waxaan qabaa in caruurta da’da Sweden ku gaartay oo iskuulka ama xanaanada dalkan billowdey, in la siiyo sharciga deganaanshaha, ayey tiri.

 Wax ka bedelidda xeerka

 Xagaagii la soo dhaafay ayey aheyd markii wax laga bedalay xeer ajaaniibta quseeya, gaar ahaan qodobka oranaya ”aad u ildran” lagana dhigay ”ku sugan xaalad aad u ildaran”. Wax ka badelidda qodobkan ujeedada laga lahaa waxay tahay in caruurta ku kortey Sweden lana qabsaday iskuulada iyo xanaanada, ama caruurta la ildaran xanuunada waaweyn in la siiyo fursad ay Sweden ku joogaan. Laakiin sidaas arrin ma noqon, sida ay Radio Sweden u sheegen qaar ka mid ah wakiilada magangeliyo doonka. Nadia Hatem waxay wakiil u tahay labo qoys oo caruurtooda Sweden ku dhalatay, midi yahay wiil lix jir ah oo aad u jiran, halka kan kale tahay gabar sideed sanno jir ah. Labadoodaba waxay heystaan go’aan ah dal ka masaafurin.

- Imminka waxay dib ugu noqoneysaanwaraaqo la’aantii, nolasheeda oo dhan inta ay Sweden joogtay waraaqo la’aan ayey aheyd inkastoo ay isku aragto in ay tahay ruux Iswiidhish ah. Mana jirtay meel ay u noqoto iyo waxay ugu noqoto toona, waddan aan Sweden aheyn oo ay taqaan ma jirta. Marka kiiskeeda waa mid iska cad ayaan qabaa, ayey tiri.

Laanta socdalka

Carl Bexelius, oo migrationsverket u qaabilsan arrimaha sharciyada ayaa sheegay in wax ka bedelidda lagu sameeyey sharciga ajanabiga ka micno tahay fursad ay dalka ku joogi karaan caruurta dalka la qabsatay ama jiran, balse in cunniga uu dalka ku dhashay aysan ahaan karin sabbab ku filan oo sharicga lagu siiyo.

- In ad Sweden ku dhalatay ama aad saaxibo ku leedahay oo aad iskuul ka dhigtid tas micnaheeda ma ahan daruuf lagu siin karo sharciga deganaanshaha, ayuu yeri.

 Wax ka badelidda sharcigaan waxaa u sabab ahaa heshiis dhexrmaray xukumaddii hore ee Alliansen iyo xisbiga Miljöpartiet. Markii la shaaciyey heshiiska sharciga wax looga badalay waxuu abuuray rajo gelin weyn. Heshiiskan waxuu isbadel dhab ah u abuuri doonaa caruur iyo qoysas badan- sidaas waxaa yeri Gustav Fridolin oo heshiskan uga waramayey wargeyska Dagensa Nyhter. Xataa ururka bad baadada caruurta ayuu heshiiskan rajo gelin ku abuuray, sida ya sheegtey Mikaela Hagan oo ururkan u qaabilsan caruuraha qaxootiga iyo arrimaha is-dhexgalka.

- Waxaan rajeyneynay in wax ka badelidda sharcigan ay tixgelin dheerad ah siin doonto caruurta waqti dheer dalka deganeyd oo la qabsatay. Laakiin imminka waxaa noo muuqata in wax ka bedelidda xeerkan aysan yeelan saameynta ay ka filaneyney, ayey tiri.

Laanta socdaalka Migrationsverket ayaan weli sheegi karin sida wax ka bedelidda sharicgan u saameyn karto go’aanadooda. Billowgi bisha julay ayay aheyd markii sharcigan la meel mariyey oo hadda laga joogo afar billood. Sida ay muujineyso tirokoobyada Laanta Socdalka ma jiraan wax isbadel ah xeerkan cusub ku yeeshay go’aanada laanta Socdaalka ka gaartey kiisaska magenliyo doon afartii billowd ee ugu danbeysey.

Nadia Hatem iyo dadka ay wadoshaqeeyan ayey wax badan isku dayey in ay xasuusiyaan Laanta Socdaalka wax ka bedelidda xeerka, tahayna in laanta meel mariso:

- Laga soo billaabo kowdii julay markii sharciga cusub la hirgeliyeey, ayaan billownay in aan u cuskano kiisaska aan gacanta ku heyno, laakiin ma jirto wax isabdel ah oo aan arkay.. nasiib xumo ma jirta hal kiis oo go’aankiisa loo cuskadey isbadelka xeer lagu sameeyey, ayey tiri.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".