Migrationsverket Foto Tahir Yousef Sveriges Radio P4 Östergötland
Migrationsverket Foto Tahir Yousef Sveriges Radio P4 Östergötland

Baaritaanada luuqadda oo dib loogu noqonayo

Laanta Socdaalka Migrationsverket ayaa dib ugu noqoneysa baaritaanada luuqadda ee laga qaado ruuxa magangeliyo doonka ah, ka dib markii la ka shifay in baaritaanada luuqadaha uu ka buuxo qaladaad waaweyn.

Baaritaankan waxaa Laanta Socdaalka Sweden u sameynaya Laanta Socdaalka ee dalka Nederland, balse isla Laanta Socdaalka waddankan ayaa macaamiil ka aheyd shirkadan Sprakab oo ah shirkad ka macaasha baaritaanada luuqadaha/lahjadaha dadyowga magangeliyo doonka ah.

Laanta socdaalka Sweden Migrationsverket ayaa sidoo kale baaritaan guud ku sameyn doonta farsamada ay adeegsadaan shirkadaha sameeya luuqad baaridda magangeliyo doonka.

Madaxa sharciyada migrationsverket Fredrik Beijer ayaa u sheegay wargeyska Dagensa Nyheter in Laantu baaritaankeeda guud u adeegsan doonta ruuxa madax banaan oo u kuurgali doona fasamooyinka ay aadegsadaan shirkadaha baaraha luuqadda ruuxa magangeliyo doonka ah iyo sida loo isticmaalo luuqad baaridda.  

/ DN, Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".