Председатель Исламского союза Омар Мустафа назвал действия ОАЭ смехотворными а не пугающими. Фото: IF
Laba urur oo Iswiidhish ah oo argagixiso lagu eedeeyay. Фото: IF

Laba urur oo Iswiidhish ah oo argagixiso lagu eedeeyay

Dawladda Sweden ayaa doonaysa in ay xog dheeraad ah ka hesho eedaynta ay dawladda Imaaraadku u soo jeedisay laba urur oo Islaamiyiin ah oo Sweden ka jira. Labada urur ee kala ah, Islamic Relief iyo Islamiska Förbundet ayay dawladda Imaaraadku ku shaambadaysay in ay ku jiraan ururrada argagixisada ah.

Erik Wirkensjö oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa idaacadda TT u sheegay in safaaradda Iswiidhan ee Abu Dhabi ka codsatay dawladda Imaaraadka in ay kulan ka yeeshaan arrintan si ay dawladda Imaaraadku ugu qanciso arrintan. Sidoo kale waddamada Finland, Norge iyo Danmerk ayaa iyana ururro noocan oo kale ah ku eedeeyay arrimo argagixiso.

Waxaa laga yaabaa in ururradaasi ku dhacaan liiska ururradii hore ee argagixisada loo aqoonsaday ee ay ka mid yihiin, ururrada jihaadiyiinta ah ee sameeyay dawladaha islaamiga ah, Nusrafronten iyo waliba ururka Boko Haram.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".