Vårdpersonal bäddar en säng på en vårdavdelning på Danderyds sjukhus Foto: Bertil Ericson/TT.
Dadka ku jira caymiska caafimaadka gaar ah oo batayFoto: Bertil Ericson/TT.

Dadka ku jira caymiska caafimaadka gaar ah oo batay

Maanta qiyaastii 609.000 qof oo Iswiidhish ah ayaa ku jira caymiska caafimaadka ee gaarka ah. Taasi oo ka dhigan in tiradaasi kor u kacday 19 000 oo qof marka loo eego rubucii hore ee sannadkan. Sidani waxa muujinaysa daraasad ay soo saartay haayadda caymiska Sweden.  Maanta tirada caymisyada

gaarka ahi waxa ay lix jeer ka badan tahay tiradii sannadkii 2000. Waxaanay taasi ka dhigan tahay in tiradaasi kacdo sannadkiiba  14%.

73% dadka ku jira caymiska gaarka ahi waa shaqaale uu ka bixiyay shaqo-siiyahoodu. Laakiin xitaa ururro ku jira daladaha TCO iyo Saco ayaa iyana caymiska caafimaadka ee gaarka ah ku casuuma xubnahooda. Caymiska caafimaadka gaarka ahi waxa uu dadka ku jira siinayaa adeeg caafimaad oo degdeg ah oo waliba tayo sarreeya, waxaanay raysanayaan in ay wakhti dheer sugaan adeegyada caafimaadka ee ay bixiyaan xarumaha caafimaadka ee dadweynuhu.

Xigasho: TT

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".