Två poliser utanför en polisbil
Shaqaalaha maxaabiista oo lagu eedeeyay danbiyo. Foto: TT

Shaqaalaha maxaabiista oo lagu eedeeyay danbiyo

Laba qof oo ka tirsan shaqaalaha waaxda daryeelka danbiilayaasha ayaa dacwad lagu soo oogay kadib markii lagu eedeeyay in ay si aan sharciga waafaqsanayn u dureen dad dalka laga mastaafuriyay. Shaqaalahan ayaa lagu eedeeyay in ay dadka ay mastaafurinayaan u duri jireen si ay dareenkooda u dejiyaan marka ay tarxiilayaan.

Dhacdooyinka ay ku kaceen shaqaalaha waaxda maxaabiistu ayaa uu daaha ka rogay barnaamijka idaacadda Iswiidhan ka baxa ee loo yaqaan Kaliber. Waxaana cad in shaqaalahani ku xadgudbeen sharciga xuquuqda xidhka iyo maskaxda maxbuuska. Si hawshan wax looga qabto waxa ay waaxda maxaabiistu booliiska ku wargelisay arrintan.

SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".