Lagbok med domarklubba
Laanta socdaalka oo markale badhaysa luuqadda nin Soomaali ah. Foto: Jessica Gow/TT.

Laanta socdaalka oo markale badhaysa kiiska nin Soomaali ah

Maxkamadda laanta socdaalka ayaa sheegtay in ay rumaysan tahay in uu Maxamed ka yimid magaalada Afgoye. Maxamed oo hore laanta socdaalku u diddday sharciga deganaanshaha, go'aanna ku gaadhay in lagu celiyo Somaliland ayaa mar labaad waxa ay laanta socdaalku ka qaadi doontaa imtixaan dhanka afka ah.

Hore ayay laanta socdaalku Maxamed uga qaadday imtixaan dhanka afka ah, iyada oo la kaashanaysa af-aqoono ka hawlgala shirkadda afafka ka shaqaysa ee loo yaqaan Språkab. Imtixaankaas oo ahaa 20 daqiiqo ayaa waxa Maxamed loo aqoonsaday in uu ka  yimid Somaliland. Laakiinse barnaamijka loo yaqaano Uppdrag Granskning oo baadhitaan ku sameeyay arrintan ayaa ogaaday in qofkii Soomaaliga ahaa ee imtixaanka afka qaaday aanu ahay qof leh aqoontii looga baahnaa.  Dhanka aqoonyahan sare oo afka Soomaaliga ku xeeldheer oo isna fallanqeeyay luuqadda Maxamed ayaa aaminsan in Maxamed ka yimid Afgooye. Hadda laanta socdaalku waxa ay mar kale baadhitaan ku samayn  doontaa kiiska Maxamed, iyada oo xoogga la saari doono sidii loo xaqiijin lahaa in uu Afgooye ka yimid iyo in kale.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".