motorcykelpolis kör efter blå bil
Shaqaalaha kastamka Norway oo hawlgal ka wada xadka Sweden. Foto: Chris Maluszinski/TT

Shaqaalaha kastamka Norway oo hawlgal ka wada xadka Sweden

Shaqaalaha kastamada Norway ayaa adkeeyay xuduudka ay Sweden la leedahay Norway. Si loo xakameeyo waxyaabaha sida sharcidarrada ah ugu kala gudbaya labada dal waxa ay shaqaalaha kastamada Norway bilaabeen in ay aad u baadhaan gaadiidka isaga kala gudbaya labada dal,

gaar ahaan deegaanka Svinesund, halkaasi oo lagu xidhay kamarado dhawr ah oo hawsha u fududaynaya hawlwadeenada shaqada ku jira. Madaxa shaqaalaha kastamada Norway Björn Röse ayaa sheegay in ay mihiim tahay in shaqadan la qabto iyada oo la adeegsanayo aaladaha casriga ah.

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".