Foto: Claudio Bresciani/TT.
Ra'iisalwasaaraha Sweden Stefan Löfven Foto: Claudio Bresciani/TT.

Heshiiska caalamiga ah ee caruurta oo lagu darayo xeerarka Sweden

Ra'iisalwasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa sheegay in heshiiska QM ee caruurta ay macquul tahay in uu qayb ka noqdo sharuucda dalkan Sweden.

 Ra'iisalwasaare Stefan Löfven ayaa ku sugan New York si uu uga qayb-gala debaal-dega 25 guuradii ka soo wareegtey markii la hirgeliyey heshiiska caalamiga ah ee caruurta. Sweden waxay qalinka ku duugtey heshiiska caruurta ee QM sannadkii 1990 laakiin heshiiskan ayaa weli qayb ka aheyn sharciyada Sweden. Balse billaha hore ee sannadka soo socda ayaa la filayaa in uu heshiiska caruurta ka mid noqdo sharciga Sweden sida uu u sheegay laanta wararka Ekot Stefan Löfven Ra'iisalwasaaraha Sweden.

- Waxaa muuqata heshiiska caruurta yahay imminka mid dhidibo adag ku tagan. Haddii hshiiskan la mid dhigo xeerarka dalka markaas waxaa isbadel ku immanayaa habdhaqankooda xeer yaqaanada iyo go'aan gaarayaasha arrimaha caruurta gacanta  ku haya. Laakiin haddi aan sharciga lagu darin markaas way iska sahlan tahay in xeerkan layska dafiro, ayuu Löfven oo ku sugan magaalda New York.

heshiiska Qaramada midoobey ee caruurta waddamada caalamka intooda badan waa saxiixeen siyaabo kalo gedisanna wey u dhaqan geliyeen. Waddamo ay ka mid yahiin USA, Koonfur Sudan iyo Somaaliya ayaan heshiiskan saxixin ama weli dhaqan gelin.  

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".