Stockholm City Hall. Photo: Anders Wiklund/TT
Stockholm City Hall. Photo: Anders Wiklund/TT

Stockholm oo la dalbadey in laga xayuubiyo magaalo madaxnimada

Xil-dhibaan ka tirsan baarlamaanka Sweden ayaa doonaya in magaalo madaxnimada laga wareejiyo Stockholm.

2901 moowshin oo ay xil-dhibaanada baaramaanka Sweden soo bandhigeen sannadka 2014 oo taariikhda qabashadooda ay ugu danbeysey 10 bisha nomvember, ayaa waxaa ku jirey moowshin ku sabsan in Stockholm laga xayuubiyo magaalo madaxnimada. Moowshinkas oo ay baarlamaanka u soo gudbisey Lotta Olsson oo ka tirsan xisbiga Moderatka. Olsson ayaa mooshinkeeda ku sheegtay in Stockholm aheyn magaalo ay sahlan tahay in  waddanka intiisa kale laga soo gaaro, siyaasiinta Stockholm-na aysan ahmiyad siinin isgaarsiinta, sida baabuurta iyo gaadiidka dayuuradaha ee maaagalada madaxda lagu soo gaari karo.

"Magaalooyin kale oo ku yaala bartamaha Sweden oo Stockholm kaga haboon magaalo madaxnimada ayaa jira” xil-dhibaanadan ku qortay moowshinkeeda.

Sidaas daraadeed waa in dowladda u saarto guddi soo baarah in Stockholm laga xayuubiyo magaalo madaxnimada, waayo waa in rugaha dowladda ahaadeen kuwo ay dadka waddanka intiise kale ku nool heli karaan soona gaari karaan, ayey xil-dhibaanadan raacisey qoraalkeeda moowshin.

Stockholm kamo jirto taagero loo ahyo masuuliyadda magaalo maxdaxnimo sidaas daraaded masuuliyadda magaalo madax loo dhibaa magaalo kale oo hantiyi karta masuuliyadas, ayey xil-dhibaanada ku doodey.

Laakiin waxaa iskaga yar fyúrsadda uu moowshinka xil-dhibaanadaan ku meel mari karo. Guud ahaan moowshinada ay dhibaanada u soo gudbiyeen baarlamaanka dalka intii u dhaxeysey 2010-2014kii kuwooda meel marey waa ka yaryayhiin boqolki 1,6.

/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".