Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dugsiyada Stockholm oo bilaabay in waalidka Sms lagu wargeliyo

La daabacay torsdag 20 november 2014 kl 16.49
Waxa yaraaday habsankii ardayda.
(2:33 min)
Elever skriver i klassrummet. Foto: Katarzyna Korza/TT
Dugsiyada Stockholm oo bilaabay in waalidka Sms lagu wargeliyo

Dugsiyo badan oo ku yaalla magaalada Stockholm ayaa bilaabay nidaam cusub oo ay kula xidhiiidhayaan waalidiinta si ay u yareeyaan  maqnaanshaha ardayda. Dugsiyo badan oo ku yaalla magaalada Stockholm ayaa bilaabay nidaam cusub oo ay kula xidhiiidhayaan waalidiinta si ay u yareeyaan  maqnaanshaha ardayda. Nidaamkan ayaa ah mid iskuulku uu farriin u dirayo waalidka isaga oo  adeegsanaya nidaamka loo yaqaan Sms-ka ama ba farriin iimayl ah.

Farriintan ayaa sida ugu dhakhsaha badan waalidka loo diraa haddii uu ardaygu ka soo xaadiri waayo iskuulka amaba uu ka maqnaado xiisadaha qaar. Intii aan la bilaabin habka casriga ah ee iskuulku kula xidhiidhayo waalidiinta waxa markii hore shaqaalaha dugsigu maalintii dhan telefoono u diri jireen waalidiinta si ay ula socodsiiyaan hadba xaaladda ubadkooda.  

 Sida ay qortay jarriiradda Dagbladet, iyada oo soo xiganaysa waaxda waxbarashada ee Stockholm, waxa yaraaday maqnaanshihiii ardayda tan iyo markii la bilaabay habkan casriga ah ee farriimaha moobilka loogu dirayo waalidiinta. Daraasaddaasina waxa ay muujinaysaa in dugsiga Gärdeskolan maqnaashihii ardaygu uu hoos uga soo degay 4,4%  isaga oo hadda noqday 1,1%, taasina ay ka dhigan tahay in guud ahaan magaalada Stockholm in habsanka ardaydu oo hoos u dhacay uuna noqday 1,7%, halka uu awal ka ahaa 2,9%

SR 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".