Mobil, nacke, håller i en mobil Foto: Sveriges Radio
Mobil, nacke, håller i en mobil Foto: Sveriges Radio

Cabashada macaamiisha moobilada oo korodhay

Cabashada ka soo yeedha macaamiisha moobilda ayaa koqodhay boqolkiiba 50, saddexdii bilood ee u dambeeyay, hadii la barbar dhigo saddex bilood ee ugu horeeyay sannadkan. Sida laga soo xiganaayo talobiyayaasha madaxa-banaan ee isgaadhsiinta.

Cabashadan ayaa la xidhidha, haddiiba qofku uu rabo in uu celiyo wuxuu iibsday iyo iibsiga furan oo ah in qofku celin karo wuxuu iibsaday muddo cayiman.

Shirkadaha telefoonada ayaa warbixin khaldan ku daabaca boggagooda internetka, middaas oo jawaab khaldan siinaysa macaamiishooda, sida u sheegaayo Mattias Grafström oo ah madaxa talo bixiyayaasha madaxa-banaan ee isgaadhsiinta.

Isha: DN

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".