Säpochefen Anders Thornberg intervjuades i Ekots lördagsintervju. Foto: TT. Montage: Sveriges Radio.
30 qof oo Iswiidhish ah oo ka qaybgalay dagaalka Yukrayn. Foto: TT. Montage: Sveriges Radio.

30 qof oo Iswiidhish ah oo ka qaybgalay dagaalka Yukrayn

Qiyaastii 30 qof oo Iswiidhish ah kana tirsan garabka midigta ee Iswiidhishka ayaa u safray waddanka Yukrayn si ay uga qayb qaataan dagaalka dadka reer Yukrayn kaga soo horjeedaan Ruushka. Sidaasi waxa idaacadda Ekot u sheegay Anders Thornberg oo ah  madaxa haayadda  sirdoonka Sweden ee Säpo.

Anders waxa uu sheegay in dadka Iswiidhishka ah ee Yukrayn ka dagaalamayaa aanay hadda wax dhib ah ku hayn ammaanka Sweden, laakiinse ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqooda. Dhanka kale waxa uu sheegay in ilaa maanta ay jiraan 100 qof oo Iswiidhish ah oo u safray waddamada  Siiriya iyo Iraaq si ay uga qaybqaataan dagaalka jihaadka ah ee ka socda waddankaasi. Halkaasi oo 23 ka mid ah boqolkaasi ay dagaaladaas ku dhinteen. Anders Thornberg waxa kale oo uu sheegay in ay kala duwan yihiin dadka u dagaal tegaya Siiriya iyo dadka u dagaaltegaya Yukran, sababtuna ay tahay in dadka Yukrayn u dagaalamayaa ay yihiin kuwo ku eeg uun dagaalka ay Ruushka kula jiraan, halka dadka Iswiidhishka ah ee ka qaybqaadanaya dagaalada Siiriya ka socdaa ay khatar ku yihiin ammaanka waddamada reer galbeedka. Waxaanu intaas raaciyay in dadka ka qaybqaadanaya dagaalada Siiriya ka socdaa ay ka abaabul fiican yihiin kuwa u socda dagaalada Yukrayn ka socda. Anders waxa uu sheegay in dadka dagaaladan ka qaybgalayaa ay khatar ku noqon karaan ammaanka dalka, sidaasi daraadeed ay dawladdu ka fiirsan doonto sidii loo soo saari lahaa sharci cusub oo mabnuucaya in dadku ka qaybgalaan dagaaladaa iyo tababarada la xidhiidha.

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".