Spice
Ilaa hadda afar qof baa u dhintay daroogada Spice.Foto: Marcus Schreiber / TT

Daroogada Spice oo si weyn u faaftay

Daroogada loo yaqaano Spice ayaa si weyn ugu dhex faaftay dalka, waxaanay gaysatay waxyeelo badan. Ilaa hadda afar qof ayaa u dhimatay waxyeelo ay u geysatay daroogadani. Laakiinse ilaa 30 qof oo maydkooda la baadhay baa laga helay daroogadan. Sannadkan waxa baadhitaan lagu sameeyay maydadka 15 qof,

Daroogada loo yaqaano Spice ayaa si weyn ugu dhex faaftay dalka, waxaanay gaysatay waxyeelo badan. Ilaa hadda afar qof ayaa u dhimatay waxyeelo ay u geysatay daroogadani. Laakiinse ilaa 30 oo maydkooda la baadhay baa laga helay daroogadan. Sannadkan waxa baadhitaan lagu sameeyay maydadka 15 qof, waxaana jidhkooda laga helay daroogada loo yaqaan cannabinoider ama  spice. Sidaasi waxa sheegtay waaxda xuquuqda dawooyinka ee loo yaqaano, Rättsmedicinalverket. Isu gayn na waxa ay haayaddu sheegtay in tan iyo sannadkii 2010 baadhitaan lagu sameeyay maydadka 30 qof. In daroogadani si weyn ugu faaftay bulshada waxa laga garan karaa macluumaadka yaalla waaxda shaybaadhka danbiyada qaranka ( Statens kriminaltekniska laboratorium). Sannadkii 2012 waxa ay waaxda shaybaadhka danbiyadu gacanta ku dhigtay 1200 tijaabo oo laga baadhayay daroogada Spice. Sannadkii kaa ku xigayna  2600 tijaabo. Sannadkanna waxa ay tiradaasi gaadhay 2300. Baadhitaankaasina waxa ka soo baxday in sannadkii 2012 daroogo laga helay 394 ka mid ah tiradii tijaabooyinka lagu sameeyay, halka sannadkanna daroogo laga helay 69 ka mid ah tiradii baadhitaanka lagu sameeyay.

Xigasho: TT/Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".