Malin Axelsson, Radioteatern
Malin Axelsson. Foto: SR

Malin Axelsson oo loo doortay madaxa tiyaatarka raadiyowga

Jilaaga iyo qoraaga Malin Axelsson ayaa maanta loo doortay in ay noqoto hoggaanka tiyaatarka Sweden ugu weyn ee Radioteatern, iyada oo shaqadaasi la wareegi doonta bisha maarso ee sannadka 2015.

Malin Axelsson waxa ay lixdii sanno ee u danbeeyay ahayd madaxa tiyaatarka dhallinyarada ee loo yaqaano ungdomsteatern Ung scen/öst. Waxaanay sannadkii 2014  ku guulaysatay abaalmarinta loo yaqaan Augustpriset, kadib markii ay qortay buug carruureed. Waxaanay sidoo kale sannadka 2016 soo saari doontaa buuggeedii u horeeyay ee sheeko ah oo magaciisa la yidhaa Anropa. 

Tiyaatarka raadiyowga ee Radioteatern waxa uu ka baxaa idaacadaha p1 iyo p4, waxaana dhegaysta qiyaastii 700 000 qof.

Xigasho: Kulturnytt

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".