Våld mot kvinnor. Foto: TT.
Maalinta ka hortaga tacadiyada lagula kaco dumarka.Foto: TT.

Maalinta ka hortaga tacadiyada lagula kaco dumarka

Maanta waxa ay ku beegan tahay maalinta ay qaramada midoobay u aqoonsatay xuska maalinta ka hortaga tacadiyada lagula kaco dumarka. Maalintan ayaa waddanka oo dhan laga dareemayaa, waxaana si weyn u soo dhaweeyay ururka u dooda dumarka dhibaatooyinka loo geysto  loo yaqaan Riksorganisationen för kvinnojourer och tjejjourer i Sverige.

Sida uu ururkaasi sheegay sannadkii hore waxa soo gaadhay 17 000 dacwadood oo ku saabsan dhibaatooyin dumar loo geystay.

Xuska maalintan oo ka dhacaya magaalada Stockholm waxa ka qaybgali doona, wasiirka caddaaladda Morgan Johansson oo ka tirsan xisbiga Socialdemokraterna iyo Åsa Regner oo ah wasiirka sinnaanta. Kulankan waxa soo agaasimay qaramada midoobay.

Xigasho: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".