Vattenfall coal power plant in Germany. Photo: Matthias Rietschel/AP
Shirkadda tamarta Vattenfall. Photo: Matthias Rietschel/AP

Dawladda oo ka dooddaysa habka loo maamulayo shirkadda Vattenfall

Dawladda Sweden oo ka dooddaysa sida loo maamuli doono shirkadda tamarta ee Vattenfall. Xisbiyada  Socialdemokraterna och Miljöpartiet hore isugu raacay in hannaanka shaqada ee shirkadda dib u habayn lagu sameeyo, si kor loogu qaado waxqabadkeeda.

Wasiirka manaafacaadka Mikael Damberg ayaa maanta sheegay in ay dawladdu wax ka beddel ku samayn doonto habka ay shirkaddu u shaqayso.

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".