Bild från Uppdrag granskning/SVT
1 av 3
Bild från Uppdrag granskning/SVT
Byggarbete vid Nya Karolinska Solna. Foto: Fredrik Persson/TT
2 av 3
Byggarbete vid Nya Karolinska Solna. Foto: Fredrik Persson/TT
Byggarbete vid Nya Karolinska Solna (NKS) Foto: Fredrik Persson / TT /
3 av 3
Byggarbete vid Nya Karolinska Solna (NKS) Foto: Fredrik Persson / TT /

Shirkad loo haysto musuqmaasuq cashuureed

Waxaaa soo baxaya maclumaad ku saabsan loolankii hore ee dhismaha isbitaalka cusub ee Karolinska ee degmada Solna. Caawa ayaa barnaamijka Uppdrag Granskning ee kabaxa Telefeeshinka Qaranka Sweden ee SVT uu baahinaya warbixin ku saabsan in shirkada dhisaysa isbitaalka cusub ay u tabaabulshaysanaya habkii uu canshuurta iskaga yarayn lahayd

Middan ayaa ah, xog kaydsan oo dhawaan dibada uga soo baxday shirkada wax la talisa ee PWC ee waddanka Luxemburg, xogta ayaa sheegaysa sida ay shirkada dhisaysay isbitaalku ay ugu tabaabulshaysanaya habkii uu canshuurta iskaga yarayn lahayd.

Sida caawa laga dheehan doono, barnaamijka Uppdrag Granskning, shirkada dhisayda isbitaalka oo magaceeda la yidhaahdo Swedish Hospital Partners ayaa amaahisay lacag ay ku rabto dulsaar badan dadka saamaleyda ah ee leh shirkadan, middan oo yaraynaysa cashuurta ay bixiso shirkadu. Qayb ka mid ah lacagtan ayaa loo diray waddanka Luxemburg, oo isagu ah waddan cashuurtiisu aad u hoosayso.

Isha:SVT

Samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".