En man med reflexväst framför ett av Malmö Aviations RJ100 flygplan parkerat i dimman på Bromma. Foto: Johan Nilsson/TT
Foto: Johan Nilsson/TT

Ceeryaan hakisay duulimaadyo fadhiisan lahaa gegida Bromma

Ceeryaan ama dhedo ayaa sababtay in duulimaadyo badani ay saaka soo cago dhigan waayaan gegida diyaaradaha ee Bromma.Ulf Wallin oo saxaafada u qaabilsan shirkada Swedavia u sheegay wakaalada wararka ee TT 

Diyaaradihii u hoyday xalay garoonka diyaaradaha ee Bromma ku guulaysteen in ay duulaan, balse diyaaradihii soo degayay ay door bideen in ay eegaan, dhamaan garoomada diyaaradaha ee waddanka oo dhan, si ay aanay ugu sugnaan hawada gegida Bromma oo u sugaan inta ay helayaan jewi wanaagsan oo ay ku soo cago dhigan karaan. Sidaas ayuu yidhi Ulf Wallin

Hadda inkastoo jewigu wanaagsanaaday, haddana waxaa la filayaa in hakad galo habsami u socodkii duulimaadyada maanta.

Isha:TT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".