Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dawlada oo hindise caafimaad dib uga noqotay

Gabriel Wikström, folkhälsa-, sjukvård- och idrottsminister (S). Foto: Lars Pehrso/TT. Till höger en undersköterska på akuten på Södersjukhuset tar blodprov på en patient. Foto: Leif R Jansson/TT

Dawlada ayaa hadda dib ugu noqotay hindise caafimaad oo ay hore u soo jeedisay, ka dib markii ay kala kulantay dhaleecayn badan. Hindisahan ayaa ahaa in maamulada gobolada ee caafimaadka iyo gaadiidku, aanay sharci u lahayn in ay bixiyaan caafimaadka asaasiga ah, waxaa loo yaqaan primärvården

Kulan ay goluhu yeesheen maalinimadii shalay oo salaasa ahayd, ayaa lagu sheegay in waqtigii lagaga soo talo bixinayay hjndisahan oo ahaa saddex usbuuc uu yahay mid aad u gaaban. Sidoo kalena aanay dawladu sharixin sababta sharciga loogu bedelaayo sidan dhakhsaha badan.

Golaha sharciga ayaa sidoo kale dhaleecayn u jeediyay dawlada, middaas oo la xidhiidha in dawladu ay meesha ka saarto da’daalo badan oo muhiim ah oo hindisahan lagaga soo talo bixin lahaa.

Si kastaba ha ahaate, dawlada ayay hadda la tahay in dib u soo celiso hindise cusub oo dhaqan geli doona 1 bisha luuliyo ee sannadka soo socda, sida uu sheegaayo wasiirka daryeelka bukaanka Gabriel Wikström. 

Isha: TT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".