Gråtande barn. Foto: Maja Suslin

Fayrus caruurta waxyeelayn kara oo ku faafaya Sweden

Fayruus waxyeelayn kara sambabada caruurta ayaa ku faafaya Sweden, sida ay xaqiijisay hey’adda caafimaadka u qaabilsan qaranka, ka dib markii dhacdadii ugu horaysay ee la xidhiidha fayrus kooxeedka loo yaqaan EV-D68 lagu shaaciyay jaamacada isbitaalka Karoliniska ee Solna

Arrintan ayaa la xidhiidha, lix dhacdo, oo dhamaantood caruur yihiin kuwaas oo laba ka mid ah lagu daaweeyay qolka gargaarka deg dega ah. Shan ka mid ah caruurtan ayaa da’doodu u dhaxaysay 4 sanno iyo 9 sanno.

Hey’adda caafimaadka u qaabilsan qaranka ayaa hadda xarumaha lagu daaweeyay bukaanada ku dhiiri gelinaysa in ay si gaar ah ula socdaan fayruusyada loo yaqaan EV-D68, haddii infekshan xagga sambabada ah ama qalal uu ku dhaco caruurta. 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".