Jonas Sjöstedt's Left Party has been involved in the budget negotiations together with the governing Social Democrats and Greens. Photo: Jonas Ekströmer / TT
Guddida dhaqaalaha baarlamaanka oo ka doodaya miisaaniyadda cusub. Photo: Jonas Ekströmer / TT

Guddi hoosaadka maaliyadda oo ka doodaya miisaaniyadda cusub

Guddida dhaqaalaha ee baarlamaanka ayaa maanta ka dooddaya sidii si fiican loo hirgelin lahaa miisaaniyadda dawladda cusub oo la soo bandhigi doono saddexda bisha diisambar. Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa laga baqayaa in uu ka soo horjeesto miisaaniyaddan oo uu taageero siiyo isbahaysiga uu xisbiga Moderaterna hoggaaminayo.

Laakiinse ilaa hadda xisbiga SD ayaan ka hadal arrintan.  Hoggaamiyaha xisbiga Vänsterpartiet Jonas Sjöstedt ayaa xisbiyada isbahaysiga ah ugu baaqay in ay ka fiirsadaan go’aanka ay qaadanayaan iyo waxaanu xisbiyada isbahaysa ku xujeeyay in ay ka jawaabaan sida ay wax u maamuli doonaan haddii ay diidmo kala hor yimaaddaan miisaaniyadda cusub ee dawladda. Dhanka kale Annie Lööf oo ka tirsan xisbiga Centerpartiet ayaa qabta in ay dawladdu masuuliyadda qaadanayso haddii laga soo horjeesto miisaaniyadda ay wadato.

Xigasho: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".