Nätdroger hos Tullen. Foto: Leif R Jansson/TT
Daroogo cusub oo dhawr qof u dhinteen gobolka Norrbotten. Foto: Leif R Jansson/TT

Daroogo cusub oo dhawr qof u dhinteen gobolka Norrbotten

Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha caafimaadka ee cisbitaalka Sunderby ee gobolka Norrbotten, ayaa daaha ka rogay daroogo halis ah oo saamayn weyn ku yeelatay gobolkaasi. Daroogadan oo magaceeda la yidhaa PV8 ayaa muddooyinkii u danbaysay waxa ay galaafatay nolosha dhallinyaro dhawr ah oo isticmaashay daroogadaasi.

Waxaana daroogadan si baahsan looga iibsadaa intarnetka. Daroogadan ayaa ah mid halis ah oo dhaawac weyn u gaysanaysa jidhka qofka iyo waliba jidhka oo barara. Sidoo kale waxa ay daroogadani keentaa wareer, wadno garaac iyo in dhiigu hoos u dhaco.

Hadda waxa la qorshaynayaa sidii daroogadan looga dhigi lahaa mid mabnuuc ah. Haayadda caafimaadka bulshada ayaa iyana soo jeedisay in baadhitaan lagu sameeyo daroogan si loo agaado khatarteedu inta ay gaadhsiisan tahay.

Xigasho: P4 Norrbotten

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".