Kvinna säljer sex på gatan. Foto:
Sharci cusub oo ku saabsan ka ganacsiga jidhka dumarka. Foto: Tomas Oneborg/TT

Sharci cusub oo ku saabsan ka ganacsiga jidhka dumarka

Dawladda oo qorshaynaysa sharci cusub oo mabnuucaya in waddanka dibaddiisa laga iibsado galmo ama lacag la siiyo dumarka jidhkooda ka ganacsada. Wasiirka caddaaladda iyo socdaalka Morgan Johannsson (S) ayaa soo  bandhigay sharci cusub oo dadka Iswiidhishka ah ka mabnuucaya in ay galmada lacag ka bixiyaan waddanka dibaddiisa.

 Inkasta oo sida uu tiifiiga iswiidhan sheegay ay  badi xildhibaanada baarlamaanku ka soo horjeedaan sharcigan.  Sidaasi daraadeed waxa adag in sharcigani dhaqan galo maaddaama oo ay ka soo horjeedaan isbahaysiga midigta iyo waliba xisbiga Sverigedemokraterna.  Sharcigan ayaa ah mid ku saabsan xuquuqda dadka iyo sidii loo ilaalin lahaa in aan qofka xuquuqdiisa lagu xad gudbin meel kasta ha joogee. Sharcigan cusub ayaa qiimayntiisa la gudo gali doonaa  sannadka 2016.

Xigasho: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".