Socialtjänsten, skylt. Foto: Fredrik Sandberg/TT
Shaqaale yaraan ka jirta xafiisyada adeegyada bulshada. Foto: Fredrik Sandberg/TT

Shaqaale yaraan ka jirta xafiisyada adeegyada bulshada

Shaqaale yaraanta ka jirta xafiisyada adeegyada dadweynaha ayaa keentay in ay daryeel waayaan carruur badan oo dhibaataysan oo caawimo u baahnayd. Sidaasi waxa lagu muujiyay daraasad cusub oo uu soo saaray  ururka Akademikerförbundet SSR.

Daraasaddan cusubi waxa ay sheegaysaa in shaqaalaha inta badan adeegyada dadweynaha ka shaqeeyaa ay yihiin kuwo ka yimaadda shirkado shaqaalaha kireeya (bemanningsbolag), kuwaasi oo aan lahayn aqoon iyo kibrad shaqo oo ku filan. Taasina waxa ay keentaa in aanay shaqaalahaasi si joogto ah u qaban shaqadooda maaddaama oo ayna ahayn shaqaale rasmi ah.  Intii daraasaddan lagu gudojiray waxa warqadaha xog ururinta loo diray 161 degmo, waxaana ka soo jawaabay 94 degmo.

Xigasho: Ekot

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".