Ambulansen har åkt av vägen och krockat med en stolpe.
Den här ambulansen körde i somras av vägen i närheten av Trollhättan. Foto: Polisen.

Xukun maxkamadeed maanta la sugaayo

Ka dib markii gaadhi ambalaas ahi uu jiidhay buur ku taal wadada dhinaceeda ayaa maanta waxaa la sugayaa xukun maxkamadeed laga yaaba in dhimo saacadaha dhaadheer ee la shaqeeyo.

Gabadha kaalkaaliyaha caafimaad ahayd ee wadday gaadhigan amblaaska ah ayaa gama’day ama hurdootay, ka dibna gaadhiga amblaaska ahi wuxuu galay buur ku taalay wadada dhexdeeda. Gabadhan ayaa shaqada ku jirtay qiyaastii 23 saacadood. Shilkan ayaa dhacay sannadii 2010.

Haddaba dacwad ku oogid la xidhiidha dembi laga galay degaanka shaqada, ayaa xeer ilaaliso Kristina Persson ay dalbanaysa hadda in gobolka ay gabadhani ka hawlgelaysay ee Västra Götaland in uu bixiyo ganaax lacag ah, oo gaadhaya 4 boqol oo kun oo koroon.

Gabadhan amblaaska waday, qofkii shaqaalaha ahaa ee la socday ayaa sidoo kale dhaawacyo soo gaadheen, inkastoo bukaankii lagu siday amblaasku uu si nabadsan uga samato baxay shilkan,

Isha: P4 skaraborg

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".