Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dawlad oo cadaadis saaraysa shirkadaha ka hawlgala adeegyada bulshada

La daabacay fredag 28 november 2014 kl 12.00
Statistik välfärden. Foto: TT
Statistik från Novus, som P4 Jönköping beställt. Foto: TT.

Dawlada ayaa hadda cadaadis saarayada shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya adeegyada danta guud, sida daryeelka iyo nabadgelyada.

Hadda ayaa la diyaarinaya hindise sharci oo waxtaraya shirkadaha samafalka, sidoo kalena dhimaya fursadaha lagaga macaashi karo adeegyada danta guud. ’

Sida laga soo xiganaayo heshiis ay dawladu la gashay xisbiga Vänsterpartiet. Dawlada ayaa rabta in la sameeyo baadhitaan la xidhiidha nidmaad degan ama hab si xor ah oo lagaga takhalusi karo shirkadaha aan rabin laga qaado wax cashuur ah, xarumahoodana ka dhigtay waddamada aan cashuurta badan la iska qaadin iyo sidoo kale in shirkadaha ka hawlgala adeegyada danta guud ay cadeeyaan in aanay ujeedadoodu ahayn in macaash ka helaan hawsha ay bulshada u hayaan.

Bisha koowaad ee sannadka soo socda ayaa dhamaystirayaa tilmaamaha ugu horeeya ee la xidhiidha macaashka laga dheefo adeegyada danta guud.

 Isha DN

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".