Skanska överger alla Latinamerikaplaner efter att ha dragits in i mutanklagelser mot samarbetspartners i landet. Foto: TT/Ekot
Skanska överger alla Latinamerikaplaner efter att ha dragits in i mutanklagelser mot samarbetspartners i landet. Foto: TT/Ekot

Musuqmaasuq ba'an oo hadheeyay shirkada Skanska

Shirkada dhismaha ee laga leeyahay waddankan Iswiidhan ee magaceeda la yidhaahdo Skanska ayaa dhex dabaalanaysa musuqmaasuq aad u balaadhan waddanka Baraasiil. Wakaalada wararka ee Ekot ayaa fashilisay in shirkadii mataanaha la ahayd Skanska ee Baraasiil lagu tuhunsan yahay in ay bixisay lacag gaadhaysa 6 milyan oo koroon oo laaluush ah

-Xaalada Koonfurta Ameerika oo ah mid musuq badan, way adagtahay in laga shaqeeyo. Sidaa waxaa leh gudoomiyaha waddamada Laatiin Ameerika ee shirkada Skanska Johan Henriksson

Shirkada Skanska ayaa hadda go’aansatay in iskaga soo tagto Koonfurta Ameerika. Ugu yaraan laba shirkadood oo mataano lahaa shirkada Skanska oo ka hawlgala waddanka Baraasiil ayaa warbixin uu boolisku la yeeshay ku qirtay in ay laaluush siiyeen shirkada saliida ee dawliga ah ee magaceeda la yidhaahdo Petrobas, si ay u helaan heshiisyo ku kacaya lacag balaayiin ah. 

Warbixin umuurtan ku saabsan waxaad ku maqli doontaan idaacada maanta saacadu marka ay tahay 1-da duhurnimo. 

Isha:Ekot

samir.dualeh@sr.se

Grafik: Projekten som Skanska har med mutmisstänkta företag

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".