Moderaterna kommenterar regeringens budget Foto: SVT/BILD
1 av 2
Moderaterna kommenterar regeringens budget Foto: SVT/BILD
Moderaternas avgående partiledare Fredrik Reinfeldt. Foto: Henrik Montgomery / TT
2 av 2
Moderaternas avgående partiledare Fredrik Reinfeldt. Foto: Henrik Montgomery / TT

Xisbiga Moderat-ka oo sameeyay baadhitaan la xidhiidha doorashadii

Xisbiga Moderat-ka ayaa hadda dhamaystiray baadhitaan la xidhiidha doorashadii iyo sababa ugu wacan in xisbiga ay soo gaadhay guul daro, middaas oo sababtay in lagala wareego xukunkii dalka.

Xisbiga Moderat-ka ayaa guul daraystay arrimaha la xidhiidha shaqada oo ahayd midda uu xooga ugu badan saarayay intii lagu gudo jiray ololihii doorashada.

Sidoo kale xisbiga ayaa jawaab u waayay arrimaha la xidhiidha daryeelka iyo is-dhexgalka. Saddexda arrimood ayaa ah kuwa ugu waaweyn ee kelifay in xisbigu lumiyo boqolkiiba 7 taageeradii codbiyayaashu u hayeen.

Siyaasadda shaqada ee xisbiga Moderat-ka ayaan wax horumarin ah samayn, 4-tii sanno ee ugu dambeeyay intii ay hogaanka dalka hayeen, middaas oo iyadu sabab u ahayd in aanu xisbigu wax guul ah ka soo hoyn arrimaha la xidhiidha shaqada, sida ay Hans Wallmark iyo Per Nilsson ay ku sheegeen baadhitaanka oo ay maanta ku soo ban dhigeen bogga dooda ee jariirada Dagens Nyheter.

Inta ka horaysa doorashada 2018, ayaa xisbigu wanaajin doona arrimaha la xidhiidha daryeelka iyo is-dhexgalka, sida lagu sheegay gunaanudka baadhitaankan.

Isha:TT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".