SR
Xarunta la weerarey magaalada Malmö. Sawirle: SR

Qarax lagu weeraray saldhigyo ku yaala Malmö

Xarun xaafiis u ah lamaaha sharciga oo ku taala magaalada Malmö ayaa weerar qarax ah xalay loo geystey. Hal ruux ayaa sida la sheegay ku dhaawacmay firiirka muraayadaha xarunta la qarxiyey, inkastoo dhaawaciisa uusan sidaas u buurneyn.

Xaruntan la qarxiyey ayaa waxay xaafiisyo u tahay booliiska Malmö, hey'adda xeer illaalinta, hey'adda denbibaarista dhanka dhaqaalaha iyo maxkamadda degmada. Ma ahan markii ugu horeysey oo weerar noocan ah loo geysto xaruntan. Bishii februari sannadkan ayaa qarax noocaan oo kalo ah lagu weeraray xarunta sharciga ee magaalada Malmö. Weerarkas ayaan asna sidoo kale geysan dhaawacyo sidaas u buuran. Magaalada Malmö ayey caadi ka tahay in kooxa burcadda ah ay heystaan baaruudda wax qarxisa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".