Svt
Guri baqaar warshadeed ah oo ku gubanaya bartamaah Göteborg. Sawirkan xaquuqiisa waxaa leh: SVT Nyheter.

Guri ku gubanaya bartamaha Göteborg

Xarun warshadeed oo ku taala bartamaha Göteborga ayaa dab qabsadey oo imminka aad u gubaneysa.

Sida laga soo xigtey gurmadka degdega ah guriga ayaa guud ahaantiisa xolcahaya ayaa laga cabsi qabaa qatar ah in dabka u gudbo guriyo kale oo ka agdhow.

Illaa iyo hadda ma cadda in ruux ee waxyeelado ka soo gaartay dabkan. Booliiska degaankas ayaa sheegay in la xirey waddooyinka soo gala halka gubaneysa.

Fartiin Muhiim oo ku wajahan bulshada.

Hogaanka gurmadka degdega ah ayaa ugu baaqaya dadka ka agdhow halka gubaneysa in ay ka dheeraadaan qiiqa, kana xirtaan albaada, daagadaha iyo halka dabeysho ka soo gahso guriyaha.

Kala soco Sveriges Radio P4 waxii ku soo kordha.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".