Ruux lacag gacan uga dhiibeya ruux kale.
En person lämnar tillbaka lånade pengar. Räcker det att betala räntan på lånen eller är det bäst att betala av banklånen och slippa skulder? Foto: Sofia Svenblad/Sveriges Radio

Shaashad lagu qiimeeyneyo adeegyada xawaaladaha

Waa in la dhimo kharashka adeegyada xawaaladaha
4:01 min

Kooxo ka mid ah bulshooyinka dalkan ku dhaqan ayaa sannad walba u dira dhaqaale aad iyo aad u fara badan qaraabadood iyo waddammadii ey asal ahaan ka soo jeedaan. Hase yeeshee uu kharash ballaaran kaga baxaa shirkadaha ama bangiyada lacagaha laga diro. Waana midda kaliftay in dawladda dalku u xil-saarto wakaala dda macaamiisha sidii wax looga qaban lahaa dhimista kharashyada xawaaladaha.

- Waxay howshani salka ku haysaa in markeedii hore dawladda dalkani adeecday qorshe uu watay ururka caalamiga ee Qarammada Midoobey iyo in hoos loo dhigo kharashka ku baxa xawaaladda ee qaxootiga lacagaha u dira qaraabadoodda ku sugan waddammadii ey ka soo qaxeen lana gaarsiiyo ugu badnaan 5%, sida uu sheegay Torbjörn Noaksson, ahna madaxa mashruuc dawladdu u xil-saartay sidii howshaa lagu fulin lahaa, middaasina masuuliyaddeeda la saaray wakaaladda macaamiisha ee afkan iswiidhishka lagu yiraahdo Konsumentverket.

Soo-gaklootiga ayaa sannad walba u dira dhaqaale aad u fara badan qaraabadood, kuwaasina oo ku sugan waddammadii ey ka yimaadeen. Hase yeeshee uu falkaasi noqon karaa mid aad u kharash badan. Mararka qaarkood ayey dhici kartaa in lacagta la diraa ey 48% ku baxdo kharashka adeegyada bangiyada lacagaha waarida, halka qaar kale uu ku baxo dhaqaale aan dhaafsiis-nayn 15%. Waana lacag u dhiganta 150 koron ee kun koron.

Middaa ayaana sabab u ahayd in wakaaladda    macaamiishu iyada oo amar ka haysata dawladda ey ku tallaabsato howl la xiriirta is-barbar-dhigga kharashaadka bangiyada ku fuliyaan adeegga xawaaladda, sida uu sheegay Torbjörn Noaksson:
- Hoowsha ayaan u qabaneeynaa sidiiyoo aan nahey macaamiil. Waxaan meel ku wada ururiney war-bixinnada kharashaadka ku baxa adeegyada bangiyada xawaaladaha iyo kharashaadka ku kaca mid walba iyo sidoo kale wakhtiga ey lacagtaasi ku gaareeyso halkii loogu talo galey. Waana mid la isugu barbar-dhigeyo qiimaha ku kaca adeegyada iyo dhakhsaha lacagahaasi u gaareyaan halkii loogu talo galey. Waa muhiim inaan macaamiisha ka taakuleeyno badda suuqa adeegyada xawaaladda iyo sidii loogu sahli lahaa in kharashkooda la dhimo, sida uu sheegay Torbjörn Noaksson.

Haddaba hayadda macaamiisha ayaa sidii howshaa lagu hir-gelin lahaa furtay bog ka mid ah shaashadda internetka, midkaasina loogu magac-darey " Money from Sweden". Waxaa ay wakaaladdu sidoo kale ku tallaabsatay iyada oo ku dadaalaysa     sidii lagu gaari lahaa bulshada isticmaasha adeegyada xawaaladaha lagu tarjumey macluumaadka qaarkood luuqado tobaneeyo gaarsii-san oo ey ku hadlaan dadyoowga ka soo jeeda dalka dibaddiisa, soomaaliguna ka mid yahay. Torbjörn Noaksson iyo mar kale:
- Waxaan la soconaa in qaar badan oo a mid ah ajaaniibta dalka ku dhaqan aaney aqoon ku filan u laheeyn luuqadda iswiidhishka. Sidaa daraadeed ayaan su'aalaha ugu muhiim-san ee la is-weydiin karo aan jawaabahooda ugu daabacney 16 luuqadood oo ka mid ah luuqadaha ugu waaweyn ee ajaaniibta dalka ku sugani ku hadlaan, sida uu sheegay Torbjörn Noaksson oo ka howl-gala wakaaladda macaamiisha.

Howsha bogga Money from Sweden waxaa la daahfuray 1-da bisha diseembar 2014 oo ku beegan maanta.

                                                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".