Waddooyinka Ringön oo la furay. Sawirle: Epp Andersson
Vägarna på Ringön spärrades av på grund av branden. Foto: Epp Andersson

Dabkii oo lagu guuleeystay in la xakameeyo

Waxaa lagu guuleeystay in la xakameeyo dabkii ka holcayay agagaarka Ringön, halka iminka nawaaxigaa loo fasaxay gaadiidku iney isaga gooshi karaan.

Masiibada dabka ayaa ka bilaabatay goob bakhaar ahayd wax yar ka hor intii aan la gaarin lixdii aroor-nimo ee saaka, iyadoona uu dabku markiiba is qabsaday.

Illaa hadda ayaan lagu soo warramin cid uu dabkaasi wax-yeeleeyay. Halkaasina oo 40 ka mid ah saraakiisha dab-damisku ku howlanaayeen sidii dabka lagu demin lahaa gelinkii hore ee maanta. Howsha dab-demiska ayaa la fileyaa inay socoto maanta oo dhan illaa caawa.

Madaxa saraakiisha ku howlan dab-demiska Ringön ayaa ku war-geliyay in laga digtoonaado in qiiqa dabkaasi la neefsado, isla-markaana dhammaan la xiro daaqadaha, albaabbada iyo nidaamyada nasaqeeynta guryaha (ventilation) guryaha ku yaala nawaaxigaa, si looga badbaado qiiqa sunta ah.

                                                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".