En leende pojke lutar sig mot kameran medan hans familj sitter i soffa i bakgrunden.
Martin iyo Ulrika oo ey wada joogaan dhallaanka Filip, Måns iyo Ida. ooku sugan Klefsjö ee Upphärad. Sawirle: Adam Ihse/TT

Kafaalo qaadka dhallaanka oo hoos u dhacey 65%

Waxaa hoos u dhacay tirada kafaalo-qaadka dhallaanka ee waalidiinta dalkani ka sameeyaan waddammada kale. Tiradaasina oo muddo 10 sannadood laga joogo gaarsiisnayd 1000, halka ay sannadkii tagay gaarsiisnayd 341.

Dhallaan ka fara badan intii hore ayaa dalkooda ku hela waalidiin hoe leh, halka isla sidoo kale ey tiro ka sii badan waalidiin ka kafaala-qaada saf ugu jiraan sidii ey dhallaan u heli lahaayeen. Mana ahan oo keliya dalkan Iswiidhen, waana mid sii kordhineeysa in dhallaan tiradii hore ka badan ey helaan waalidiin masuuliyad ka qaadda, iyo sidoo kale dhallaanka xoogaa ey da'doodu waynaatay.

Jonas Friberg, waa hoggaamiyaha ururka isutagga xarunta dhexe ee kafaalo-qaadka:
- Guud ahaan waxaa la oran karaa in qooysas intii hore ka badan uu dhaqaalahoodii kor u kacay iyo iney suurtagal u tahay sidii ey ku kafaalo qaadi lahaayeen dhallaan. Sidoo kale waxay wax iska badaleen fikirkii laga haystay tirada dhallaanka qooysku yeelan karo, qaasatan marka laga hadleyo dalka shiinaha,s ida uu sheegay.

                                                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".