Gabriel Wikström, folkhälsa-, sjukvård- och idrottsminister (S). Foto: Lars Pehrso/TT. Till höger en undersköterska på akuten på Södersjukhuset tar blodprov på en patient. Foto: Leif R Jansson/TT

Kulan looga xaajooneyo jeermiska aanay dawadu qaniinin

Maagaalada Stockholm ayuu maanta iyo berito ka qabsoomi doonaa kulan looga xaajooneyo sidii si caalami ah looga hor-tegi lahaa jeermisyada aaney dawooyinku wax-yeeleeyn.

Kulankan oo ey si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyeen hayadda caafimaadka bulshada iyo laanta caafimaadka WHO ee ururka caalamiga ee Qarammada Midoobey, ayaa la fileyaa iney ka soo qayb-galaan xubno-dawladeed ka socda soddomeeyo waddan, isla-markaana laga gaaro heshiis caalami ah oo la xiriira kor kala socodka iyo faafidda bakteeriyada aaney dawooyinku wax ka tarin. Waana howl aan maanta jirin, ida ay qabto Who.

Goolka laga leeyahay kulankan caalamiga ayaa ah sidii ey waddammadu u caadeeyn lahaayeen dul kala socodka bakteeriyada aanay dawadu wax ka dhimin.

Middaasi ayaa noqon lahayd tallaabadii ugu horreeysay ee laanta caafimaadka Who ku suurta-gelin lahayd qorshe caalami ah ee dusha lagala soconeyobakteeriyada aanay dawadu wax u geey-san, midkaasina oo la soo ban-dhigi doono sannadka foodda innagu soo haya 2015.

Kulanka ayuu ka qayb qaadan doonaa wasiirka caafimaadka Gabriel Wikström (S)

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".