Xilliyada. Sawirle: Anna-Karin Lampou/Sveriges Radio
Årstider. Skolbild. Klassrum. Foto: Anna-Karin Lampou/Sveriges Radio

Dhallaanka waxaa macne ugu fadhiya habka ey iskuulka ku tagaan

Cilmi-baaris lagu sameeyey jaamicadda Karlstads ayaa lagu qeexay inay macne ballaaran ku fadhido waxa uu ardaygu qabto muddada uu safarka ugu sii jiro iskuulka, middaasina oo wax ka tareeysa maalintaa sida uu u shaqeeyo.

Midda ugu wanaag-san ayaa ah in ilmuhu iskuulka u kaxeeystaan baaskiil ama bas u raacaan, waana mid la xiriirta caafimaadka oogada iyo sidoo kale inuu la sii sheekeeysto dhallaanka kale.

Midda ugu liidata ayaa ah in dhallaanku gaari u raacaan kolka ey iskuulka ku sii socdaan, sida ay cilmi-baaristu qeexday.

Isha: SVT, TT

                                                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".