Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Xarunta baarlamanka Sweden. Sawirle: Jessica Gow/TT.
I dag debatteras regeringens budget i riksdagen. Foto: Jessica Gow/TT.

Dood la xiriirta baarista luuqadda ee qaxootiga

Barnaamijka ka baxa idaacadda la iska daawado ee SvT, laantiisa Uppdrag Granskning ayay ku caddaatay caqabadda ka aloo-san baaritaannada luuqadeed ee lagu sameeyo afafka ey ku hadlaan magan-gelyo-doonku sidii loo caddeeyn lahaa dalka ama gobollada ey ka yimaadeen - språkanalys, baaritaannadaasina oo ey sameeyso shirkadda mulkida loo leeyahay ee Sprakab.

Baarlamanka ayay haddaba ka dhacday dood la xiriirta amuurtaa oo ka dhaxeeysa xil-dhibaannada Désirée Pethrus (KD), Roland Utbult (KD) iyo wasiirka cadaaladda iyo socdaalka Morgan Johansson (S).

Doodda ayaa la xiriirta in garabka mucaaradku doonayo jawaab uu wasiirku ka bixiyo sidii loo hubin lahaa ammaanka sharci ahaan iyo tayada baaritaannada dalabyada magan-gelyo-doon iyo sidoo kale tallaabada ay dawladdu ka qaadi doonto sidii aanu garab keliya, sida shirkadda Sprakab ee howlahaa ka mid ahi u yeelan miisaan ballaaran ee lagu go'aamiyo dalabyada magan-gelyo-doonka.

Isha: Riksdagen

                                                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".