Shir jaraa'id oo xisbiga SD soo bandhigay.
Оскар Шёстедт/ Oscar Sjöstedt (слева) и Маттиас Карлссон/ Mattias Karlsson, врио лидера партии. Foto: Claudio Bresciani/TT.

SD: Waxaan u codeeyn doonnaa miisaaniyadda mucaaradka

Xarunta baarlamanka dalka Iswiidhen ayuu iminka ka socdaa shir-jaraa'id oo ey soo bandhigeyaan xubno ka tir-san hoggaanka xisbiga SD, midkaasina oo lagu sharraxayo meeqaanka uu xisbigu ka taagan yahay miisaaniyadaha labada garab ee garabka dawladda iyo midka mucaaradka oo berito looga codeeyn doono baarlamanka.

Af-hayeenka dhaqaalaha SD: Kolkii aan is barbar miisaaniyadda dawladda iyo midda mucaaradka wuxuu xiisahayagu ku dhow yahay midka dawladda. Waa marka laga hadleyo dhaqaalaha waayeelka, suuqa shaqada iyo wixii la mid ah.

Dhanka siyaasadda dembiyada iyo socdaalka waxaanu sidoo kale haddii aanu kala doorano aan dooran lahayn miisaaniyadda dawladda.

Dhanka shaqada waxaannu dooran lahayn miisaaniyadda mucaaradka. Adeegga guryaha Rut, waxaanu dooran lahayn midda mucaaradka. Cmilada iyo tamarta iyo in albaabbada loo laabo shirkadaha quwadda atoomikada oo aanu ka soo hor-jeedo.

Dhanka canshuuraha miisaaniyadda dawladdu waa mid aannu ka soo hor-jeedno, halka canshuurta dhan laga dhimey waxaa kor looga qaadey dhanka kale.

Dhanka kobaca dhaqaale ayaanay miisaaniyadda dawladdu ahayn mid dalka u wanaag-san.

Siyaasadda soo-galootiga

Ku-simaha hoggaamiyaha xisbiga:

Miisaaniyadda dawladdu ugu talo-gashay arrimmaha socdaalka ayaan ahayn mid ay wanaag ugu jirto danaha dalka.

Tirada faraha badan ee soo-galootiga ayaa hoos u dhigay ammaankii dalka, waa marka laga hadleyo dhanka dembiyada.

Waxaa jira boqolaal dhallin-yaro ah ee u socdaalay sidii ey uga garab-dagaalami lahaayeen ururro xag-jir ah.

Degmooyinka oo aan ka soo bixi karin sidii ey kor ugu qaadi lahaayeen heerka tacliinta iskuullada, maadaama ey aad u soo badaneyaan dhallaanka dibaddaha ka soo baqoola.

Miisaaniyadda dawladda ayaan ahayn mid isu dheeli tiran. Sidaa daraadeed waxaa miisaaniyadda la oran karaa in aaney ku fillayn howlaha hab nolol-wanaagga bulshada in lagu hir-geliyo.

Xisbiga SD ayaa berito u codeey doona miisaaniyadda mucaaradka ee Alliansen-ka.

Goolka aannu ka leenahay tallaabadan ayaa ah in maadaama aannu nahay xisbiga saddexaad ee baarlamanka ugu dhumucda wayn in garabyada dawladda iyo mucaaradkuba wada-hadal nala furtaan. Waan og-soonnahay in 13% eynaan ku gaari karin dhammaan goolashii aannu hiigsaneeyney, hase yeeshee loo baahan yahay in nalala xaajoodo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".