Stefan Löfven
Det här blir en svår vecka för den socialdemokratiske statsministern Stefan Löfven. Foto: TT.

Löfven oo mar kale gacanta u fidiyay xisbiyada mucaaradka - Alliansen

Shir-jaraa'id oo uu qabtay madaxa dawladda Iswiidhen Stefan Löfven oo ka dambeeyay go'aankii xisbiga Sverigedemokraterna ey shaaca kaga qaadeen iney ridi doonaan miisaaniyadda dawladda ayuu ku sheegay Löfven in dawladdiisu dusha u ridan doonto masuuliyadda ka saaran amuurtaa. isla-markaana ugu baaqay in garabyada midigtuna sidaa oo kale masuuliyad isaga saaraan xaaladda siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay.

- Hddii xisbiyada moderaterna, Folkpartiet, Centerpartiet iyo Kristdemokraterna ey ka dhab aheyd ballantii ey u qaadeen taageereyaashooda iyo in aaney la shaqeeyn doonin xisbiga Sverigedemokraterna - middaasina oo aan ka tallaaba-qaadeyo, waa iney markaa muujiyaan masuuliyadda ka saaran xaaladdan. Sidaa daraadeed ayuu sheegay Löfeven in xisbiga  Socialdemokraterna iyo Miljöpartiet ey ku casumeyaan xisbiyada garabka midig sidii ey wada-xaajood u yeelan lahaayeen isla caawa. 
Wixii ka soo kordha ka daalaco shaashadda internetka ee www.sr.se/somaliska subax-nimada berito.

                                                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

                                                                                             

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".