Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Madaxa dawladda Stefan Löfven. Sawirle: Pontus Lundahl/TT.
Swedish Prime Minister Stefan Löfven. Photo: Pontus Lundahl/TT.

Xaaladda siyaasdeed oo cakiran

Hoggaanka dawladda ee dalka Iswiidhen ayay la soo gudboonaatay xaalad cakiran ee siyaasadeed, middaasina oo salka ku haysa iyada oo laga cabsi qabo in la rido qorshaha miisaaniyadda dawladda oo maanta lagu soo ban-dhigeyo xarunta baarlamanka dalka Iswiidhen.

Xalay fiid-nimadii ayuu madaxa dawladda Stefan Löfven ku casumay kulan degdeg ah oo wada xaajood hoggaamiyeyaasha afarta xisbi ee mucaaradka, si uu isugu dayo in heshiis laga gaaro miisaaniyadda dawladda oo haddii ay dhacdo qarka loo saaran yahay doorasho cusub oo dalka lagaga dhawaaqo. Hase yeeshee ay hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradku cod mideey-san ku sheegeen in aaney diyaar u ahayn iney Löfven ku garab istaagaan miisaaniyaddiisa, isla-markaana u codeeyn doonaan miisaaniyadda wada-jirka ee mucaaradku soo bandhigay.

Kulankaasi dabadii ayuu Stefan Löfven oo qabtay shir jaraa'id saqdii dhexe ayuu ku sheegay inuu dhanka kale ee miiska wada-xaajoodka ka waayay cid la fariisata:

- Waa in diyaar loo yahay wada xaajood. Haddii taasi dhacdo, waa in miiska dhanka kale laga soo fariistaa oo diyaar loo ahaadaa in la wada xaajoodo oo meel dhexe la isugu yimaado, sida uu sheegay Stefan Löfven.

                                                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".