Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Hage: SD ayaa go'aamisay mustaqbalka dawladda

La daabacay onsdag 3 december 2014 kl 10.11
DSawirle: Bertil Ericson/TT.
Delar ur alliansen vid pressträff i Riksdagen. Foto: Bertil Ericson/TT

Maanta oo arbaca ah ayuu baarlamanka dalku u codeeyn doonaa miisaaniyadaha kala duwan ee garabyada xisbiyada iyo midda dawladda.

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa ku goodiyay inuu ridi doono miisaaniyadda dawladda, isla-markaana u codeeyn doono miisaaniyadda mucaaradka ee Alliansen, halkaasina uu ku jebiyay xisbiga SD hab-raacii howleed ee howlaha baarlamanka iyo in garab walba u codeeyo miisaaniyaddiisa haddii laga guuleeystana uu codkiisa hoos u dhigo. Maxaa haddaba ka dhalan kara caqabaddaa? Faallo, Fredrik Furtenbach, madaxa laanta akhbaaraha arrimmaha gudaha ee idaacadda Iswiidhen.

Salaasadii shalay ayuu ku dhawaaqay hoggaanka xisbiga SD inuu ridi doono miisaaniyadda dawladda. Waa tallaabo ku keeni karta cakirnaan siyaasadda dawladda. Maxaa ka dambeeyn doona?

Miisaaniyadda mucaaradka ee garabka midig, Alliansen ayaa arbacada looga doodi doonaa xarunta baarlamanka, middaasina oo loo barbar-dhigi doono miisaaniyadda xisbiga Sverigedemokraterna. Waxaa ku guuleey-san doona miisaaniyadda garabka midig - Alliansen. Dabadeed waxaa la isa soo barbar-dhigi doonaa miisaaniyadda dawladda iyo midda mucaaradka.

Maadaana aanu haddaba xisbiga SD raaci doonin sidii caadadu ahayd oo aanu codkiisa hoos u dhigi doonin ayay miisaaniyadda dawladdu ku waayi doontaa aqlabiyad. Hase yeeshee waxaa jira suurtagal aad u yar oo looga badbaadi karo xaaladda cakiran.

- Stefan Löfven ayaa inta aan codeeyn loo qaadin labada miisaaniyadood ee mucaaradka iyo middaa dawladda suurtagal ay u tahay inuu miisaaniyadda dawladda dib ugu celiyo guddi-hoosaadka dhaqaalaha oo markaa dabadeed uu wada-hadal la bilaabo garabka mucaaradka, sidaana uu aqlabiyad ugu hanto, sida uu sheegay khabiirka arrimmaha gudaha ee idaacadda Iswiidhen Fredrik Furtenbach.

Haddii la galo xaalad adag waxaa jira saddex tallaabo oo la qaadi karo ama la kala dooran karo.

                                                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".