Anna Kinberg Batra (M). Sawirle: Jonas Ekströmer/TT.
Anna Kinberg Batra (M) i riksdagens talarstol. Foto: Jonas Ekströmer/TT.

Doodda miisaaniyadda ee baarlamanka

Doodda miisaaniyadda ee ka socota baarlamanka ayay daah-furtay af-hayeenka dhaqaalaha ee xisbiga Moderaterna Anna Kinberg Batra, iyadoona iska dheereeysay dhammaan gacan haadiskii hoggaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna Stefan Löfven:

- Muddadii ka horeeysay doorashada ayuu Stefan Löfven sheegay inuu gacan ballaaran oo wada-shaqeeyn fidiyay, hase yeeshee illaa iminka gacanta laga qaaday sidii looga noqon lahaa heshiisyadii horay loo galay, marka laga hadlayo tusaale ahaan siyaasadda iskuulka iyo doorashada xorta ah.

Anna Kinberg Batra (M) ayaa mar kale ku celisay in xisbigeedu u codeeynayo miisaaniyadda garabka midig ee mucaaradka - Alliansen:
- Xubnaha baarlamanku waxey maanta u codeeyneyaan saddex miisaaniyadood oo kala duwan. Waxaan taageersanahay miisaaniyadda keliya ee adkeeyneysa dhaqaalaha dalka.

Ulla Andersson, af-hayeenka dhaqaalaha ee xisbiga Bidixda (v) ayaa ku andaceeysay xisbiyada garabka midig iney siyaasaddoodu salka ku hayso oo keliya xeelad siyaasadeed, iyadoona waydiisay masuuliyadda ey xisbiyada mucaaradku diyaar u yihiin iney dusha u ritaan:
- Waxaad go'aansateen inaad ku xirraataan xisbiga SD. Halka uu xisbiga Moderaterna aanu weli yeelan hoggaamiye. Marka waxaan hayaa dhowr su'aalood - suurtagal ma tahay in siyaasaddii ey bulshadu dhowaantan aqlabiyadda ugu codeeysay in daaqadda laga saaro oo aan baarlamanka laga hir-gelin? Ma waxaad dooneey-saan doorasho cusub inay dalka ka dhacdo? Yaa u taagan kursiga hoggaanka dawladda. Ma Annie Lööf, mise? Waase maxay masuuliyadda idinka saaran siyaasaddan qallaf-san ee xisbiga SD uu wax ku walaaqayo.

Andersson (V) ayaa ku celcelisay su'aalahaa, hase yeeshee aanay Anna Kinberg Batra (M), si dhab ah uga jawaabin.

                                                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".